Abwaan Soomaali

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

1850 - 1943
Beer, Togdheer
13 gabay

Taariikh-nololeed

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey) — 1850 - 1943 , Beer, Togdheer

Salaan-carrabey wuxuu ahaa hormuudka maansooleyda qarnigii labaatannaad. Wuxuu ahaa horkacayaashii hoggaanka u hayey silsiladdii Guba ee badhtamaha qarnigii galbaday ka curatay degaanno ka mid ah dhulalka Soomaalidu degto. Salaan-carrabey wuxuu safka hore kaga jiray suugaanyahankii tixdoodu mudh-baxday, kuwii ugu murtida iyo xigmadda badnaa, wuxuuna ahaa haldoor tixdiisa si ba’an looga jeclaa degaamada soomaalidu degto oo dhan, aadna loo danayn jirey, laguna dhegey dheegag ka mid ah tixdiisa, oo ay mid yihiin, “nin dhirbaaxo quudheed dugsadey dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhowrataa abide, dhadhan malaha aadmigu wuxuu kugu dhaliilaaye” iyo “xubin rag isku waajahay hadday xayga ka caddaato, afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Salaan-carrabey wuxu tiriyey suugaan badan o ku saabsan dhex dhexaadin, nabaddayn, baanis iyo difaacid iyo weerar, intaba isugu jirta. Abwaanku wuxuu ahaa suugaanyahankii ugu horreeyey ee laba col oo is hor fadhiya tix nabaddayn ah ku kala dareeriyey.

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey) wuxuu ahaa abwaan caan ah oo hibo Ilaahay u siiyey tirinta maansada soomaalida noocyadeeda kala duwan. Wuxuu ahaa nin wakhtigiisii soomaalida ka dhex bilnaa, tixdiisuna ka boqranayd, si darranna looga xiisayn jirey, derejo sarena ku mutaystay oo iska daa dadka caadiga ahe, xitaa maansoolayaashii kale ee la eyniga ahaa ay u qireen derejada uu haysto, karaamo weynna way ugu hayeen. Waxa jira beydad suugaantiisa ku jirta oo ka dib markii ay dadku u hibeeyeen gabyaanimadiisa iyo caanbaxnimadiisa ayuu ku suntay tixiisa meelo ka mid ah. Wuxuuna yidhi: “carradaba nin laga naadiyoo, caan baxaan ahay” beyd kalena wuxuu ahaa “xamdibaaba lay wada naqaaa, xeeb haddaan tago” Waxa isna gabay ka marshey derejada Salaan-carrabey, abwaankii weynaa ee Maxamed Nuur Fadal, mar uu Salaan Nayroobi yimi, ka dibna laga war helay inuu gabyaagii Saalax Lay-diray gabay u soo tirin doono Salaan-carrabey, dabadeedna Maxamed Nuur ka hor degay Saalax oo gabay ku boqray Salaan, daaqaddana uu kala baxay Saalax Lay-diray, si afgobaadsi iyo maldahaad ah. Wuxu yidhi:

Haddii gabay billado leeyihiyo baarri lagu faano Baxsanow ina bulaalaa kaa Ilaah baraye

Isagaba dar shalay soo baxay bereten siiyeene Benderna caasibaa loogu go’ay ina Bidaarow’e

Salaan-carrabey wuxuu ahaa bad-maax muddo dheer markabadda la socon jirey oo ka xoogsan jirey. Wuxuu ahaa dalmar iyo badmareen isaga gooshayey dalal badan oo dunida ka mid ah sida; Keenya, Tansaaniya, Yemen iyo qaar kale oo badan. Salaan wuxuu ahaa indheergarad aftahan ah oo garashaddiisu aad u sarreysey. Wuxuuna calanka u sidey maansoolayaashii ay isku ayniga ahaayeen, murtida iyo xigmadda ka sokow wuxuu dheeraa aqoon, ilbaxnimo, waayo aragnimo, dalmar iyo badmaaxnimo. Taas oo u fududaysey inuu barto dhaqamo kala duwan, afaf kala duwan iyo waayo kala duwan. Waana taas arrinta sahashay inuu meelo badan kaga aragti fogaa gabyaa badan oo degelkii ay ku dhasheen, kuna barbaareen weli taagnaa.

Salaan Maxamed Maxamuud (Carrabey) waxa uu guursadey dhowr haween ah oo ay ugu mdunaayeen labada afo ee inta badan tixihiisa ku xusnaa, sida; Cawo Dhooble oo ahayd minweyntiisii u dhashay carruurtiisa waaweyneyd intooda badan iyo Dekeeya oo iyana sida gabayadiisa ku cad ahayd, minyaradiisii ugu dambeysey, oo sida Salaan ku muujinayo tixdiisa Dekeeya aan ubad u dhalin. Salaan wuxuu dhalay carruur badan oo wiilal iyo gabdhaba isugu jira, ayna ka mid ahaayeen Cali Salaan iyo Seed Salaan labaduba ku xusnaayeen tixda Silsilad. Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Salaan-carrabey) wuxuu geeriyoodey badhtamihii qarnigii galbaday, wakhti lagu qiyaasay dhowr iyo afartankii. Wuxuuna ahaa halyey maansoyahan ah oo tixihiisu ay ku dhegen yihiin maanka iyo laabaha inta hammuunta u leh maansada iyo murtida Soomaalida, gaar ahaanna inta aan carrabkoodu dhigin halqabsiyada iyo hal-ku-dhigyada ku jira tixihiisa, ee caanka noqday. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, Salaan-carrabey wuxuu ka tegey taariikh iyo murti lama ilaawaan ah oo in badan lagu xusi doono laguna xasuusan doono. Waa mid bulshaddiisu uga aayi doonto murtida iyo mahadhooyinka uu uga tegey.

Xogta Gaagaaban

Magaca Buuxa
Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)
Xilliga
1850 - 1943
Deegaanka
Beer, Togdheer
Qabiil
Isaaq / Habr Jeclo
Gabayada
13

Ummad Abwaanno ah — A Nation of Poets

Gabayada Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

13 gabay

13 gabay