Lukaansi gabay Faaraxaw laaqin ma lahayne Laflafkiyo lahwiga loo tirshiyo jaray lurkiisiiye La’da xarafka laanka iyo ba’daan loyar ku ahaaye Nin awawgii loox ugu dhigoo liilgashaan ahaye Legjar Faranji niman baa akhriya laawis iyo beene Oo waliba laaxima intay lib isku moodaane Ase waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane Mar haduu Lilaahida ka baxo waa lisaan jabane Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane Hadaan anigu loofaadin jirey haatan loowlabaye Nin ciradu lamaanaha dhigtoo oo laylyamaan ahaye Lixdan laba iyo toban baan dul maray waana la hubaaye Lafta dhabarka lixaadka i debciyo laafyihii gacanta Lubbigaygu leyl xalay ma ladin laadadyiyo taahe Waataa lanleemada indhaha araggu liitaaye Liiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleede Hadday luguhu ciidamin jireen waa la’ orodkiiye Ma laxiibto geelaba hashii lahantay jiilaale Ku laabudan shisheeye ninkii Laxawsi moodaaye Hadba waxan lacaab riday ragbaa laastay yaradkiiye liibaan Dhulmahantayga helay laalluf-se i moodye Xaqaygaan ku laacibay haday igu lihiimeene Sidaan ugu lalabay waanigaa laayacays badaye Nin laqwiyey tashigu waa ka lalay laguna leecaanye Lammaanaan xadhigi loo tidcay lugi ka toogtaaye Lufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiraye Hadaan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdiiye Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye Xaajadan laciifka ah aday ku lid noqotaaye La fil ma ahi laankiin danbaan duxi lillaynayne Laqantooyo xidid kii horaan laabta ku hayaaye Iminkaan ladhkii weli qabaa laqanyadeediiye Nin yaraan ku loofaray wuxu lumiyay raacdeeye Tol Laxmiya ladqabo waw eg tahay inaad lafaysaaye Fardahaba libaadshaha iyo duntaa ladha abiidkoode Rag laacdamaya lool iyo rogaal leexaday is goysay Bawdada ma laasimo darmaan leeddo fuulihiye Laanjeertidaan qabo barbaar ladani waa mooge Adigoo lamada awr leh wadin ama liggood keenin Leegleegsadaha waan necbahay laanta dheer sida’e Waar Seedaw haygu soo lug goin lahasho waa ceebe.
Dulucda
A gabay by Salaan Carrabey alliterated with L, where he boasts about his poetic skill and addresses Faarax and Seed, defending his craft and reputation.
Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →