Baashoow dadaal gabay ma jiro nin igu doorshaaye Kolbaan diririyaa sida cirkoo di’i kaliishiiye Meeshay daruuro u tahaan dood ka dhaliyaaye Dabuubtaan la yeedhana ragbaa doorsha abidkiiye Waa daabac aan go’in midkaan dacal bilaabaaye Hadba xarafka igu soo degaan demin wareerkiiye Dux markaan ka garan waayey baan daayeyoo dhigaye Xaluunbaan dikriyey sida wadaad Diin u haajiraye

Daad-xoorta iyo Mawjaddaan kala dabbaalaaye Dacartaan qalbigu hayn karayn daartay feedhaha’e Waa daafa-yare kii hore’e an idin deeqsiiyo Dibna waxan u idhi maanso waa dux iyo hawraare Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne Reer Faaraxaa kala durkaye kala duddeynaaya Aan u digo Ducaale iyo Seed ha igu diideene

Dalaalkuu laqwiyey reer Shirdoon Dalabsigii eedye Dareenkuu Warsame moodayiyo dihashadii waaye Dab siduu qabsaday reerihii dagida loo laayey Nin Door roone lumay iyo ooriyaa dulugle ooyaaya Wax Ibraahin daalibahayaa col iyo duullaane Bah-Gudabiirsi dannab baa ku dhacay digashadi Faafe Reer Geeddigii debedda maray daadi amarkiiye Sidii Ina Dagaal loo khatalay idinka diimoone Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga daaha laga saarye Dalanboobigii Dhamal wixii damac la’aa raacye Dagaal Reer Axmeda wiilashii Carabta diiqaayey Xasan dabadi Reer Jaamacaa kala dabayl raacay Shir la dedey dabbaaldeg iyo Naash dawashada geedka Deelqaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye Dibno hadal ka yimi baa Cag-Geel loogu daw galaye Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Reer Sugulle dakhar wiilyar baw sidey daliishiiye Waatii degmada laysu furay dabadi Looyaade Denbi hadduu kasbaday Eebbeheen daayinaa jirae Dullaamkii Qabriga hawga tudho dabaqi naareede Dummaddii Xirsuu saaran yahay Dubur raggii yiile Dawlaabadii boqor hadduu damacsanaa waaye Dabar qaaday reer Diiriyii damaca waallaaye Duudsuu ku dhacay ina Ammaan dib u heshiintiiye Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Reer Cali-Geraysugu darraa dil iyo qoomaale Durba waranka waysugu dhaqsaday dooxanaa madhane Waa dawri buuhoodlahay dir u lahaayeene Waayadanba dabataa fadhidey daallinoo colahe Ku dibsade Daboolan iyo Caday danabbadii yiille Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh durugsigii eedye Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Ararsame dulmaa kala qabsaday dirirti Caymeede Daaroodba maqal xaajadii daahirka ahayde Dadku hadduu ka nixi reer Wacays dalaflihii raacye Tuke lagama didin wiilashii wada daboollaaye Ma duugine sidiibay lafihi debed u yaalliine Ma degdego nin Dirirtii ogaa dooxadii Garab’e Derisbaa ku dhacay reerihii dawladda ahaaye Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye Goortuu cilmiga daahirshuu Fiqi duceeyaaye Diintana wadaad kuma aflaxo xaqa ka doodaaye Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha’e Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Dayax soo iftiimiyo qoftaad dahabka moodeysey Wax Dallaayad laysugu mergedey darabki saarraye Jeeroo dabriyo lays cuskaday dooyo iyo weerar Cali Duullaneba diid xaajadaan dawga ku ahayne Daaqiyatal-Mawdkii dhadhami uu durraansadaye Daahdaaha waabberi colkii la is dabbaalsiiyey BihiDarays ma deyn reer jibriil digasha-loolkiye Ninna Faarax kama daawo gelin caynki loo dilaye Dugaagbaa calfaday feedhihii daribta weynaaye Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Duska bari Dubeerin iyo Karin lagu dubaaqawye Rag dalleensey Nuux Maxamedkii inagu deyraaye Daaraha rogmadey Soolamadow dumarka ooyaaya Dugayeeyda naagaha, hablaha debedda meeraaya Sow kama diqootaan ilmada dibiqle guudkiinna Haddaanse deyey dayaca reer Barre baw daran amuurtaasi Col dareeray duukiyo lalabe dayr kastaba joogta Dannadayska nimankii badnaa duraha jiilaalka Dawriyaha reer Muusihii dad u itaal sheegtay Daleelii Wareeg baa la dhigay duca-qabeenkiiye Dalkii waxa qabsaday Reer Warsame dixida weynaaye Iminkay degmada soo fureen Daranti Tiigeede Daleel kama fakado Geel hadduu dayra-dhaafsado’e Ragbase mudanihiisaw derbiya da’ iyo Gaashaane Dudda reer adoo furay haddii degel la waaheelo Duleedkaa mus laga joojiyaa dibadda dhawreede Meeshii daleelaa libaax dagi ka eegtaaye Magacna waa digoo dhalashadii loo demeli waaye Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo dudaya waa noole Damqanmaayo reer Faaraxaan ducuminaayaaye War yaan idin dardarin waano aan dunida aafeyne Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye Colkan habar Jeclada loola dudi Daw kalaw furane Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya

Dulucda

A gabay by Salaan Carrabey offering a warning (digniin) to warring factions, alliterated with D, calling for an end to bloodshed and reflection on the cost of conflict.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)