Meeshaan Caliyow waalidkay, lagu ciseyneynin Nin i soo cawaansaday halkaan, cidiba eegaynin Ee Dhooble camalkaan ogaa, la cumbulyeynaayey Ee sida caruuraha waxaan cunaba sheegaayey.
Meeshuu Isaaq wada cajabey, ceebti iga raacday Meeshii Cawiyo Ceebla dhool, lay cambarinaayey Ee Maxamed curadka u ahaa laguma ciil beele. Senge cayn duwana, Caynab taxan, Caarre iyo maydal Xakama casuusta leh waxaan, faras ku caateeyey Sidii kayn cagaar badan waxaan Xamar caleen saaray.
Cuudkii aan maray, geelashaan, carajiduu gooyey Caatuba la’aani waataan anigu, caato soo dhacaye Ciddiya-goosad waataan la imi, cadarki Nawriishe Ma cidlaan ku qubay xoolahaan cudhayey waa noolba.
Intuu yarad ka cunay Cawraluu, ugu cir weynaaye Iyadaba cidluu kaga tegoo, caymanka u gooye Goortuu callaaqiga sudhuu, caydh madow diraye Oo waa caadadii inuu hablaha, u cadilaa saase Maanuu i caabudan ninkii Jaamac ka ci’siiyey.
Rabbaa cudur ku rida duul hadday, caamilaan kibire Casilaadu inay meel ka dhici, waa caddaan dhabahe Nabsaa lagu carrawshaye, kuwii ciil walba i taartaye Cirka gaadh dhibaatadu hadday caarsanayd beriye.
Cawo ka quustayaa, iyo Ilaah igu caqeeryaaba Labadaan ciyoon dhawrayaa, caynka ay noqonne Ragiinnan i canaanahayoow, calaf Allaa dhow’e Nimankaa collownaye ayaan la i caloolyaynin.
Dulucda
A gabay by Salaan Carrabey addressed to his in-laws of Reer Dhooble, alliterated with C, lamenting mistreatment and reflecting on family and clan relations.
Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →