Haadaaqsi gabay waaya dheer haansa ma lahayne Hiirtaanyo godobtaan ku nacay hibashadiisiiye Hawaala warran mooyee si kale wawga haayiraye Goortaan hammiga gaabsadaa layla hiishadaye Hadba nin igu haansaday anow hela jawaabtiise Dhaaxaan mid hanaqaad is biday so hoggaan baraye Tixdaan hiddiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye Hal abuurka layguma hiigsado soo hadaaf baxay Hooyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe Haasaasahaa laga gartaa hagar la’aaneede Mar haddaan hullaabta iska rogo soo hankaabsadaye An hawadiyo hoosada Burciyo Herer ka geeyeene

Kuma hiilo heeliga fulaa la handabeeyaaye Anse waxaan haagaag uga marshaa heel la ii wacaye Inaan oday hangaafa ah noqdiyo haydhaf la i moodye

Hig ma siiyey hawraarta way kala halleeyaane Heeraabta ma u dhigay intaan heesna daba joojey Maansaba hogbay leedahee meel ma ka habawshey

Afartaa intaan ha’da ka deyey hilin ma qaadsiiyey Caawana hiyiba waa hiyee hadal kalaan baanay

Halaq didaya waw halis nimuu boqon haleelaaye Waabeeyo lama hoorsan karo huurtayoo kariye Wiyil lama hunjaalliyo adoon hootana u sidane Laga haarri hooriga libaax soo hamaansadaye Nimanbaa maroodiga hunduda haamahuu sida e Hayinnimo markii lagu arkay haragga saareene Hoobaaq mid waw qodi jirey heegadiyo roobka Baddoo huguntay hoorriga sabaac ee lagu halaagmaayo Bal maan hakiyo hir u laacaybaan ku hafin doonaaye

Caloow laguma helo geel sidaad u handanaysaane Qabiila hindiyi maalinbay ka hinjisaa duule Idinka hoostay meel uun haddaa hollin lahaydeene

Hadhuudh daatay idinkaa ka qaday haqab la’aaneede Damal Haajihii laga hirqaday ways hunda ogeyne Waatii lagaa hiray adoo qaba hammuuntiiye

Huwan maraga waatay ahayd hadhaci waabnaaye Hadiyad miyaw bixiseen nafta unbaa hamadiseene Nin sagaaro heetaynayoo haaban kari waayey Oo aan hunguri waa shiddee had uga yaabaynin Haawaydu kama maaranteen heejigaa dhalaye Haleelada ma daayeen nin cunay hilib ugaadheede Haaraanka iyo faanka wayska hidda raacdeene Rag haddaad u haysiyo barbaar halabsatoo fuusha Mar unbaad u heensayn lahayd hawl yaraan subaxe

Heegaale kama qayliseen hoga kaliileede Goortaan hadhkaba kaa eryaad hawd u cararteene Waa kaa hubkii sida raggii wada hareednaaye

Habarwaana waa kaa hingilan labadii haamoode Shirsooruhuba hoy maleh kuwaad hilib wadaagtaane Waa kaa hayaankii ku dhacay Hobyo iyo xeebe

Ararsame ma haybsado nugaal hogashadii ceele Hanas iyo abaar kulul adoo habaqle soo guurey Caynaba hadhuub kama dartaan hoga kaliileede Ka hulleele Hagar Aadankii hoobalayn jiraye Adunbaa hayaayda u guntane heeryo lagu saarye

Habar Yoonis waataa hantiday haradii Ciideede Iminkay Hundiyo reer fureen harawidii Faafe Intay hootadii garab dhigeen himidhna loo geeye Ku hinjiye colkay humin jireen Caliyo Haaruune Wax Ammaadin webigaw hardiyey harabku waa khoofe Huurkii shabeelluu galee hure banaaankiiye Huubhuubsigii lagu idlee horintii Jeeraare Nimankii hawada weyn lahaa haatan lagu leefye Ka hidiidnay hodankii barqiyo hibadii Ceel Fuude Hayruufka Dalal bowga dhiman hegerbi Daaroode Maantana hablaha loo dhisay ku hamranaayaane Haydaaro cadaw looma turo heermay boqontiiye Ma hanbayne dunidii hantiye tan iyo Hiiraane

Adunbaa hinaasiyo u jilan haawis iyo ceebe Haadaa qabiiliga Isaaq hibo Ilaah siiye Aniguna halkaad degi jirtaan ka hawisaayaaye Hadba waxa ku soo gocan sidaan kuu harraatiyaye Hibashada xun waa lagu yaqaan Habar Xabusheede Waataad haween nagu xustee haad ma ku cunsiiyey Dabadeedna hoog iyo hungiyo ciil ma la huleeshay

Tolkaabaa horweyn ku habbanoo haanka loo tolaye Waataa hareertaada Bari looga hoy dhigaye Wax hortiina lagu maalayaa kii Hagoogane’e Humbanidan Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid Habqankii firxaday Gorod Xirsaa caydh hadaadumaye Iyagaa hiraabtiyo kallaha hiirta waaberiye Haddaad ficil hinaasiday asaad hiilin kari weydey Ma afkaad ku hawl bixi cidlaad ka hanajabaysaaye?

Inkastoo habkay gobi lahayd hadiyad loo daadsho Huunbaaqsigu uma ekeeyn Habar Majeerteene Hubsa dhaha Hartigu waa og yahay haarihii Muduge

Hiinraaca waa lagu yaqaan hiida doqoneede Hebednimada qaarkeed aday kuu had noqotaaye Bal inuu hanfade waalan yahay habi la’aantiisa Hadmuu ku hirtey Cali Yuusufkuu humay colaadiisa?

Ninna haybta kuma raaci karo hooyo aan dhaline Hogagelise cadawgaa bahdiin u handanayseene Iminkaad la wada huudanteen hohiyo waydiiye Habaarkii la hele reer Taleex hiifkii loo qabaye Ku habli’idin hebel toogadaad dad u heshiiseene Waa taa shisheeyuhu hantiyey ma hurtadiiniiye Nabsaa ku haya hagardaamo gacal hadimadeediiye Inkastuu higaad qabo haddaan anigu soo haabto Waxaw halisa badaw hayjad galay inuu habaabaye Xaajada badhbaa la hojiyaa huga la saaraaye Haasaawuhu uma ekeyne wuu hadadafaayaaye Hula xumada uunkoo hurduu col u horseedaaye Hoosiisku waa qaadi jirey belo hugmaysaaye Waa kaa hilaacii u baxay haatufka ahaaye Kol uunbuu hilawluhu u tumay heello iyo jiibe

Dadka kale tashiga waa hojaa kay hadhaw noqone Waxaanu hubsan reer Cali Geraw haa dhawaan jiraye Waa wuxuu wadaadkii ku hodey Habar Saleebaane Ayagaa hoggaanka u ahaa hororkii waagiiye Halligaa markaad sheegateed hulakadaynaysey Waa taad Bah Geri huudiddeen hanadadoodiiye Kuwii Boqorka hadateediyee hiijiyaad tahay Haarti aa badeen baa khaligu hiifayaa weliye Maantana hannaankaad waddaa waa halkii abide Dabkaad hurin habeen iyo dharaar halacyadaad oogi Halna kuma xereyside dadkaad ku hawaraysaaye Aduunbaase hor Eebbiyo la tegi halaci naareede Iska hadhaye aakhiraba waa lama huraankiiye

Dulucda

A gabay by Salaan Carrabey forming part of the Guba series, alliterated with H, boasting about the Habr Je'lo victories over the Dhulbahante and addressing clan politics.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)