Hadal waa gun iyo Maxamedoow gar iyo miisaane Gabayna waan aqaannoo ma jiro nin igu gaadhaaye Kambalkaan gamboolahay tashiga igu galloolaaday Guntigaan ku gaadhnahay hurdada gama’ lay diidey
Gooraanka leylkaan sidii galawga yeedhaayo Guubaabadaan tirinayiyo gocashaday haysa Galoof ololka iyo ciilku waa geydha lay badaye
Xilku kuma gubee xaajadii kula gudboonaatay Mar haddaanay garankaaga jirin aniga goohaygu Inaan kaa isaga gaabsadaa go’aye roonayde Caawana af lama gaaxiyee maqal guhaaddayda
Gelbis hadduu u kaco INANLAYAAL guushu wa quruxe Geeraarna farasbuu qabtaa geenyo malehe gaaddada Sitaac laga luliyo qoorxidh lagu gaadhay Xakamaha guduudka leh Bustaha gucunku laalaado
Hadba neef i soo galay waxaan guudka kaga laalay Waagaan fardaha geynayee gurayey kii xoog leh Geeleyga waagii aan sidii guluf u qaadaayey lo’da waayadaan gadahayee adhiga goynaayey
Jiilaal gardaadsaday abaar gaajo idin hayso Gaadiidka moodka leh waxaan kugu gargaaraayey Waagaan xigaalkay ka go’ay gacaladaan haystey
gallad Eebbe weeye waxaan goondhi idin daajey Kama galabsan inu reer tolkaa gado libtaydiiye Geediga haddaan idin wacsaday gobiyo hawsheeda Gedda hadaydin ula wada baxden guudcadiyo wiilba
Gunta markaa ka qabateen tashiga gedi ma sheelayne Guulkii kal hore ways ogeyn guda faqiiniiye Giddigiinba waa ti aad tashiga gees ka qabateene maxaad ii gorgorin sow raggii ii guntaday miihid
afartaasi waa iga gujee gebidhac maw diidey Googooynta iigu ma baxdee geedad ma u waabay Sida galaha roob iyo baddoo guuxi ma u reemay Gaban kalana waan odhanayaa geli calooshaada
inan gaadan karin naag kale go’e haddaad mooddey kHaliqigu waa gayaan badanyahee waxan idiin gaatay Ama guunyadaydii u huray geedadsare laace mar haddaanay garawshiinyo xidid gumaradeed joogin
isma gaadno oo waxaynu nahay Gaalo iyo ruume Waa Geeriday Ciid waxaan ugu geddoomaaye Anoon gabadintiinii tegeyn gurigi reer Dhooble
Qoftaa gacal ahaydeen haddaad garato ii soo rar haddii kale ha guursado ragii guga la sheegaayey Dabadeedna guul waxay dhashiyo godobta aan dhawro
Dulucda
A gabay by Salaan Carrabey composed in defiance of Axmed Garaad's clan who conspired to kill him over a dispute involving 50 camels, delivered from a meeting tree to his in-laws.
Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →