Jiilaal barrahsaday abaar, loo baqtiyey gaajo Bender niman lahayniyo markii, guni basiiroodey Barnidiyo Bariiska hindiyaad balaxsanayseene Lawsada bidhaamiyo Asliga, buuxshey luquntaada

Dharkay Baaniyaaladu hayeen, boone iyo taajir Dhaaxaan dartaa ugu burburay, saylad baayacahe Maan boolyin kamana baaqsanine, waxan ka soo biirshey Bawdooyinkaygaan ka jaray, burunjidii guude Wax jidhkayga boogaha ka dhigay, baaldi iyo seefe Bogsannamaayo jeeroon Cawooy, waayo baan helo’e

Bandiiradaha laysaga nashiray, badhihi Gaaroodi Bahdii Inan-la-Yaallada dhextiil, beesha Hagar Aadan Baal kaaga jaray naagahaad, beretamayseene.

Bilcawshaanta iyo Khaylidan, aad boqonta geyneyso Bilaash looma helin xoolahaad, badawda deeqsiine Hayeeshee badhaadhe ma xejiyaan, bilista Daaroode Wixi kugu bataba jeer danbood, baahidood aragto Inaad beriga hore quudhsataa, bili dad weeyaane Dibna inadan ugu soo baxayn waa ballan Ilaahe.

Dulucda

A Gabay by Salaan Carrabey alliterated with B, dedicated to his wife Cawo Dhooble, expressing gratitude for her loyalty during drought and hardship when others abandoned him.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)