Ragbaa gabayga dhaafdhaafayuu dhabaq ka yeeshaaye Hadday dhah is yidhaahdaanna way kala dhantaalaane Anse dhidibka meeshaan cuskado dheelli ma aqaanne Wax dhambaalka lagu naadiyaa dhawr uu weriyaaye Dhag ma siiyey maansada kol waan dhaabadayn jiraye

Dhawaaq kalena dhiidhigu Cawo yuu naga dhexeeyaaye Mar hadduu dhibaaduhu ka yimi aniyo reer Dhooble Bal dhegysta baanaha sidaan ugu dhanaaneeyo

Dhulbaa talada laga fiiriyaa dhababan taadiiye Dhabti guurka waataan xarrago dhaatay Reer Hagare Raga kalese gabadhooda dhacan waa dhurlumiyaane Ninkii dhacanta debedda uga baxa dhogor ma siiyaane

Hadduu dheregsan yahay wiil yar bay taladu dhaaftaaye Wax dhallaanka lagu seexiyaa dhaasasiyo beene Dhalanteedka layguma sasabo dhacaya maantiiye

Dhafkii timaha waataa cirrada dhaabtay madaxiiye Intaan orodka dheeraynayaan dhiiranaan jiraye Senguhuba dhabaabaco kolbuu dharaqnana waayaaye

Rag ninkii dhibsiino u bartaa diid hadhuub dhimane Dhibaad iyo gacmo isdhaafayaa lagu dhaqnaadaaye

An dhabiiltanona waa arrine aniga ii dhaami Waayeel dhaqsaha waa wuxuu dhirif ka qaadaaye Dhigtii wacadka nimankii jabshaye dhamamax ii diidey

Kolba inay i dhuub siibsadaan cidi ma dhaadayne Dhaartii warsame waad ogayd Dhidarre maantiiye Dhaabuna waa naa noo xidhnaa inan dhabeeyaaye Dheeldheel sidaan ugu baxshaa waa i dhiriyeene

Dulucda

A gabay by Salaan Carrabey addressing a family dispute with Reer Dhooble, alliterated with Dh, reflecting on marriage, clan obligations, and personal dignity.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)