Dekeeyaay dulmaan kugu qabaa, waa hal ii daranne Rag dil waa geyaa qadafse waa, lagu dulloobaaye Xaajada daciifkii qalbiga, waa dan-damaqdaaye

Anuunbaa dulqaadanahayee, durug dhawaaqiiye Oo waataa dubaaqada qalbiga, doogtey wadaniiye Iminkaan dibbiro ciil ka baqan inan dillaacaaye.

Awrkii da’furay geela way, deris colloobaane Oo waakaa duleeddada fadhiya, diif wuxuu qabo’e Dardar waxa leh Doob iyo Abeer, dihin abiidkoode

Inaad darar xogdale iigu dudi, waan ku duun garanne Dabro Oday ma laasimo hadduu, dooxanaa rido’e Dedaalkiisu waa kol iyo Laba inuu ku duukhaaye.

Dafse adaa i soo yidhi markaad, damacsanayd Guur’e Waatii da’daan ahay wax badan, lay dabbaal-degaye Dadka wax iga liitaa ku badan, lana daryeelaaye Ma darbayso Fiqi Aw Cabdiba, dahabadiisiiye Intay marada duuduubatay, duqa xanbaartaaye. Ruuxii dayiba uunku, waw wada duceeyaaye Inad durriyad ubad yeelatana, duugga la arkeeye Eegana ducuun kuma jiree, waxan ku doorsiiyey Daartii Casayd iyo Xafiis, inad ku daalayso Iyo inaad Dalaaq kuma gashide, daasan gurigaaga Kala dooro gabadh yahay aniga hay dardaar werine.

Dulucda

A gabay by Salaan Carrabey addressing his second wife Dekeeya, reproaching her for leaving him and reflecting on marriage, age, and the futility of her complaints.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)