Baashoow daliil gabay ma jiro, nin igu doorshaaye Halka dooyna laga naadiyaan, duunka weriyaaye Dux markaan ka garan waayey, baan daayey waayahane Kol baan diririyaa sidi cirkoo, da’ kaliilaaye Xaluun baan digiriyey sidii, wadaad diin u haajiraye Dabuubtaan la yeedhana Rabbaa, duusha weligeede Waa daabac aan go’in midkaan, duco bilaabaaye Daadxoorta iyo mawjaddaan, kala dabbaalaayo Dacartaan wadnuhu hayn karayn, daari feedhaha e Waa daafi yaridii horee, aan idin deeqsiiyo Dibna waxaan u idhi xaajo, waa dux iyo hawraare Reer Faaraxeer kala durkee, kala duddeynaaya Aan uu Ducaale iyo Seed, ha igu diideene Duugeeda belo wuu helaa, nin u dadaalaaye Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga, daaha laga saarye Deegaa Reer Axmedi wiilashii, timirta diiqaayey Xasandabadna reer Jaamicii, kala dabayl raacye Aroos dama damaashaad iyo naas, daawashada geedka Dibna hadal ka yimid baa cag-geel, loogu daw galaye Deelqaaf fagaaraa Iblays, kugu dukhuulaaye Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha Dalaalkuu laqwiyey Reer Shirdoon, danafsigii eedye Dalanbaabigii Dhamal wuxuu damac, lahaa leefye Bah-Godabiirsi danab baa ku dhacay, dimishigii goofe Nin darraad lumiyo naagihii, dulube ooyaaye Reer Geeddigii dibada maray, daadi amarkiiye Nimanyhaow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha Reer Sugulle dakhar wiil yar baw, sidey dubaaqdiiye Waa taa degmada laysku furey, dabadi looyaane Dulmi hadduu qabsaday Eebaheen, daayinaa jire e Dubaaqii qabriga hawgu turo, dabaqi naareede Dummadii Xirsuu saaran yahay, Dubur raggii yiile Doolaabadii boqor hadduu, damacsanaa weeye Dabar qaaday Reer Diiriyihi, damaca waallaaye Duudsuu ku dhacay ina Ammaan, dib-u-heshiintiiye Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe Reer Cali-garaa isugu darraa, dil iyo qoomaale Dekenidii qabaalkii raggii, dumiyey qoomeeye Waa dawri Buuhoodlahey, dir u lahaayeene Waayadanba dabataa fhiday, daalinoo col ehe Durba waranka waysugu dhaqsaday, dooxanaa madhane Ma degdego nin dirirtii ogaa, dooxadii Garabe Ku dibsade Daboolan iyo Cadey, danabadii yiile Dabkuu Aadan shidey Ina Gallaydh, durugsigii waaye Danbarkeeda dhaxal xaajaduu, doortay Reer Gorode Nin dardaarankii Cumar hayaa, mudanihiis daaye Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe Ararsame dulmaa kala qabsaday, dirirti caymeede Daaroodba maqal xaajadii, daahirka ahayde Dubku hadduu ku nixi Reer Wacays, deleb shixii raacye Tuka lagama dadin wiilaashii, wada daboollaaye Ma duugine sidii bay lafuhu, dibad u yaalliine Daris waxaa aqbalay reerihii, dawladda ahaaye Markuu sheekh cilmiga daakiraa, fiqi duceeyaaye Diinta wadaad kama aflaxo, xaqa ka doodaaye Koley deeradiyo cawsha tahay, doqontu waa quuse Iyana waa isdoontaan kolkay, kala dibboodaane Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha e Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaashe Dayax soo iftiimiyo qofkaad, dahabka moodeysay Wax Dallaayad laysugu rogmaday, darabka saarraaye Jeerow dabriyo lays markaday, dooyo iyo weerar Cali diid halkaan maalintaa, dawga ku ahayne Daaqiyada mawdkii dhadhami, wuu duraansadaye Bah Idiris ma dayin Reer Jibriil, digasho loolkiiye Ninna Faarax kama daawo gelin, xaalki loo dilaye Dugaag baa hirqaday feedhihii, darabta weynaaye Col dareeray duukiyo lalabo, dirayo sheydaanku Danabaysiga nimankii badnaa, duraha jiilaalka Dawriyaha Reer Muusihii, dad u itaal sheegtay Daleelii wareeg baa la dhigay, duco qabeenkiiye Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha La dalleensay Nuux Maxamedkii, idinku deyrraaye Daaraha la ridey sura madow, dumarka ooyaayey Dugayeyda naagaha hablaha, dibadda meeraaya Haddaan dayey dayaca Reer Barrow, daran ammuurtaase Warsow kama diqootaan ilmada, dibiqle guudkooda Dalki waxa xukuma Reer Warsame, dixida weynaaye Imankay degmada soo fureen, daranti tiigeete Duddo reerka loo dhigay haddii, Dagel la waaheelo Duleedkaa mus laga joojiyaa, dibadda dhowree e Ragna mudanihiisa saw dugsiya, dah iyo gaashaane Meeshii dalleenaa libaax, degi ka eegtaaye Magacna waa diboo dhalashadii, loo demeli waaye Ayaan idin diqdiqin waano, aan durina aafeyne Danba kama leh Reer Faaraxaan, docoginnaayaaye Wax balaayo lagu diimiyaa, duul ku waajibay Colkan Habar-Jeclada loo dudi, daw kalow furane Allow yaa caruurahan durdurin, kala dillaameeye

Dulucda

A powerful gabay by Salaan Carrabey urging an end to clan warfare, alliterated with D, addressing the futility of inter-clan conflict and calling for unity.

SM

Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Salaan Maxamed Maxamuud Xirsi (Carrabey)