Keydka
Murti & Oraah
Xigashooyin gaagaaban, murti, iyo oraahyo dhaqameed oo ka yimid abwaannada iyo odayaasha beelaha Soomaaliyeed.
Far keligeed fool ma dhaqdo.
— Soomaali
Aqoon la'aan waa iftiin la'aan.
— Soomaali
Hubsiimo hal baa la siistaa.
— Soomaali
Dani waa seeto.
— Soomaali
Aan wada hadalno, waa aan heshiino.
— Soomaali
Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe.
— Soomaali
Adduun waa hadhka labadiisa gelin.
— Soomaali
Ayax teg eelna reeb.
— Soomaali
Aqoon xumo abaar ka daran.
— Soomaali
Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
— Soomaali
Ama buur ahaw, ama buur ku tiirsanow.
— Soomaali
Afkii dab yiri ma guban.
— Soomaali
Af wax cunay xishoo.
— Soomaali
Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
— Soomaali
Aadane gef lagama waayo.
— Soomaali
Aaddane eed ma waayo.
— Soomaali
Aammusnaantu waxay astaan u tahay oggolaansho.
— Soomaali
Abaal dad galaa badan, dad gudaa se yar.
— Soomaali
Abaal nin gala waa la arkay, nin gudase lama arag.
— Soomaali
Abaal raaga rag baa leh.
— Soomaali