Abwaan Soomaali
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Taariikh-nololeed
Cabdillaahi Suldaan Timacadde — 20th Century (1920-1973) , Somaliland
Cabdillaahii Timacade wuxuu ahaa gabayaa, halabuur iyo xornimo-doon Soomaaliyeed kaasi oo gayiga Soomaaliya si fiican looya yaqaaney.
Sanadkii 1920kii Timacade wuxuu ku dhashay tuulada Galooley, oo u dhow magaalada Gabiley. Wakhtiyadii dhalinyarnimadiisa wuxuu Timacade ku soo noolaa deegaano kala duwan oo ka mid ah wadanka Itoobiya iyo Djibouti wakhtigaasi oo ku beegan qiyaastii 1940 ilaa 1950.
Si kastaba ha ahaatee, sanadihii 1950kii ayuu ku soo noqdey magaalada Gabiley halkaas oo uu ka mid noqdey dhaqdhaqaaqii Xornimo-doonkii Soomaalida Waqooyi kula dagaalameysay gumaystihii Ingiriiska. Wakhtiyadaasi gobanimo-doonka wuxuu Timacade tiriyey gabayo badan oo gubaabo, dhiirigelin iyo waxsheeg ah kuwaasi oo dhamaantood ku salaysnaa qiimaha xoriyada iyo walaaltinimada Soomaalida.
Wakhtiyadii gobanimodoonka wuxuu Timocade si joogta u tirin jirey gabayo iyo maansooyin taabanaya xaalada wakhtigaasi taagneyd iyo dhibaatada gumeystuhu dadka ku hayo.
Markey taariikhdu ahayd 26kii Juun 1960kii waxaa xoriyada qaatey Goboladii Soomaalida Waqooyi. Fagaaraha kheyriyada magaalada Hargeysa ayaa waxaa masraxa gabay dhaxalgal ah ka tiriyey Cabdulaahi Suladaan Maxamed Timacade.
Horaantii sanadihii 1970aadkii, Timacade waxaa ku haleelay xanuun dhuunta kaga dhacay. Mudo markuu bukaan ahaa ayaa markii dambe loo qaadey dhakhtarka Jomo Kenyatta Hospital ee magaalada Nairobi, magaalomadaxda wadanka Kenya, halkaasi oo lagu soo daaweeyey.
Nasiib-daro 6 February 1973 ayuu Cabdulaahi Suldaan Timacade ku geeriyooday magaalada Kalabaydh. Waxaa lagu aasay magaalada Gabiley.
Xogta Gaagaaban
- Magaca Buuxa
- Cabdillaahi Suldaan Timacadde
- Xilliga
- 20th Century (1920-1973)
- Deegaanka
- Somaliland
- Qabiil
- Isaaq/Habar Awal
- Gabayada
- 6
Ummad Abwaanno ah — A Nation of Poets
Gabayada Cabdillaahi Suldaan Timacadde
6 gabay6 gabay