Anigoo sebi uun ahoo, Sita leeb iyo qaansoo Siigaduun isku aasoo, Sabo reer ka fogaanoon Laygu aaminin soofkiyo, Saaca maanta aan joogno Gabaygu waygu sugnaayee, Haddii aan Sarsarriigo Ama aan surmaseejo, Amaba aan sixi waayo Ama aan ka salguuro, Amaba laygu saluugo Soomaalida i maqlaysaay, I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine, Subaciisa Quraankiyo Sabbaxooyin ku sheegayow, Saciira iyo naciima Rabbiigii kala seerayow, Markay suurtu dhawaaqdo e La soo saaro makhluuqa e, Shaqiga iyo saciidka Maalintaad kala soocdo, Dembigaannu samaynay Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye, Ka siddeetan sebaaney Calankaannu sugaynaye, Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow, Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow, Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow, Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow, Saaxirkii kala guurrayeaha Sarreeyow ma-nusqaamow, An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar
Saahidiinta Islaamka e, Subcisaa Jimcayaashiyo Sibyaanta iyo haweenku, Calankay Saadinayeenow Cidina kaanay na Siine, Saatir noogu yaboohayow Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e, Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow, Sedadu kay ku xidhnaydow Sayruukhii Afrikaadow, Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow, An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
San-ku-neefle dhammaantii, Khalqiga kii u sinnaayeen Mid saaxiib la ahayne, Sangalkii iska diidayow Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e, Kaana siib kanna saar
Soomaloo iscunaysa oo, Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo, Hadba soof la xabbaadhiyo Saraayaa dami weyde, Kii laydhiisu na saaqdayow Kii sadqeeyey qabaa’ile, Isu saaray gacmaa ee Saf walaala ka yeelayow, Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow, An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar
In sidayda tihiin iyo, In kalaanan saxaynine Soomaloo calan taagta, Saakay noogu horraysa oo Saddex wiig iyo maalmo, Haddaan Soor cuni waayo Safrad laygama yaaboo, Sarina mayso naftayda e Saaxirkii kala guurraye, Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e, Kaana siib kanna saar
Nimankii na Siraayaye, Waaxwaax noo kala saaftaye Solanaayey cadkeenna e, Innagoo dhexda suunku Sabarkeenna qarqooray, Kii sedkeenna Cunaayaye Sarartiisa ka muuqdaye, Surwaalkii ka yaraadaye Daaro loo sibidheeyiyo, Sariiraa lagu seexdiyo Kabadh suuf laga buuxshiyo, Mid baabuurka safeeyiyo Aayad saarta carruuurtiyo, Sagaal boy iyo kuug iyo Weliba seeksa lahaa, Kii saabaanka u laabayow Saaxirkii kala gaurraye, Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e, Kaana siib kanna saar
Sawjarkaa hubka qaataye, Intuu soodhka ku taagey U diyaara salaantiyo, Saraakiisha amraysaay Sifihii isticmaarka, Ka siyaadiya maanta oo Sibilkiinnan ag joogow, Sibirtiisa istaaga oo Nin walbaan sigib beeloo, Sarow taaga gacmaa oo Sacabkaysku garaaca oo, Nin walbow saddex goor Subxaanow waa mahaddaa dheh, Subxaanow waa mahadaa Subxaanow waa mahadaa, Subxaanow waa mahadaa!
Dulucda
A powerful gabay composed during the independence of Somaliland in 1960, reflecting on the end of British colonial rule and the hope for national unity.
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →