Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dulucda
Gabay uu Timacadde ku qoray qabyaaladda, isagoo ku tilmaamaya inay tahay wax dumisa oo aan wax dhisan
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →