Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
CS
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Cabdillaahi Suldaan Timacadde