Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay
hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane geeraarradeedii hashaan annigu googooyey
galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.
Dulucda
Gabay uu Timacadde ku qoray gumaysiga iyo halgankii xornimada, isagoo tusaale ka dhigaya hashii laga dhacay
Cabdillaahi Suldaan Timacadde
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →