Gabay · Sare

Maandeeq

Cabdillaahi Suldaan Timacadde

Tiriyey: Cabdillaahi Suldaan Timacadde ·

Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane geeraarradeedii hashaan annigu googooyey galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

CS

Cabdillaahi Suldaan Timacadde

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →