Abwaan Soomaali
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
Taariikh-nololeed
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) — 1864 - 1986 , Ceerigaabo, Sanaag
Xaaji Aadan Axmed oo lagu naaneysi jiray “Afqallooc” wuu ku dhashay miyiga Ceerigaabo qiyaasihii 1864kii. Waa mid ka mid ah geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumesteyaashii geyigooda ku soo duulay.
Xaaji Aadan (AUN) wuxuu ummaddiisa uga tagay keyd dahabi ah, waxayna suugaantiisii dhaxalgalka aheyd noqotay mid ku daabacan xusuusta soomaalida samaddoonka ah. Wuxuu ahaa nin aftahan ah, hiboole codkar ah, waddani Alle ka cabsi badan oo waaya arag ah, dal-mareen qurbaawi ah.
Xaaji Aadan Afqallooc (AUN) waxa uu ku geeryooday 5 July 1986 Magaaladda Ceerigaabo isagoo cimrigiisu dhaafay 120 sano.
Xogta Gaagaaban
- Magaca Buuxa
- Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
- Xilliga
- 1864 - 1986
- Deegaanka
- Ceerigaabo, Sanaag
- Qabiil
- Habar Yoonis / Garxajis
- Gabayada
- 4
Ummad Abwaanno ah — A Nation of Poets
Gabayada Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
4 gabay4 gabay