Gabay · Dhexdhexaad

Wax Na Dilay

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)

Tiriyey: Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ·

Afkaa laga maqlaa maaddaadiyo, ereyga qaanuune Faqii guriga lagu soo abyey, ka akhriyaan koodhe Aqoon laawe laaluush cuniyo, aafo daba gaab ah iyo oday ergo ah baa sharciga, dila abidkoode Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan, uur-xumiyo ciile Aanaduna caaliga laga tegay, aabbaheed tahaye Aargoosi iyo dulmigu, waa ilma adeere Marka xaqa Ia awdaa tolnimo, loo abtiriyaaye Haddii uu insaaf jiro qabiil, lama ogaadeene Kolkuu oday durbaanka u tumuu, inan cayaaraaye Wax ka dhigan mas’uul edeb la’oo, lagu ilqaadaaye Dadku kuma aqbalo qalad hadday, kugu arkaayaane Adna iinta inaad dhawrataad, ku arrin weydaaye

Waxa na diley xaqoon aasniyo, iib dacaawiyaha Waxa na diley danuub anad ogeyn, aanadeed bixiye Waxa na diley anaaniyad iyo, ab iyo laan sheege Waxa na diley albaabbada dantaan, uunka loo furine Waxa na diley halkaad ku agbanayd, Kongo ku abuure Waxa na diley is-maqalli’ida aan, lays adeecayne Waxa na diley istaafka iyo tijaartoo iskaashada e Waxa na diley araajida Ia qoro, imad la’aanteede Waxa na diley ujr ada kuuligaan, abad Ia siinayne Waxa na diley u-sheekee midkii, hawl abyi lahaaye Waxa na diley umuur waajib aad, kaga baqdaa eede Wax ana diley iskuullada Ia baro inanka qaad keene Waxa na diley akhlaaq xumo mas’uul, aabbaheed yahaye Waxa na diley dadkoo Ia xaqiriyo, gaal isu ekeyne Waxa na diley faqiir eed nin kale, lagu ijbaaraaye Waxa na diley rag amarkii sinnaan, iniq is-dheerayne Waxa na diley acyaan aan xilkii, fulin awoodayne Waxa na diley ajnabl taladayda, laguJa eertaaye Waxa na diley adeege u ahow, kaad amri lahayde Waxa na diley adduun nimaan raboon, eegahayn sharafe

Dulucda

Wax Na Dilay by Xaaji Aadan Afqallooc, 1967

XA

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →