Gabay · Dhexdhexaad

Gabay Ku Saabsan Macallimiinta

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)

Tiriyey: Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ·

Gabay ku saabsan macallimiinta

Oday waaya aragaan ahoo ayni wayn jiraye Markaad ood ka bood tahay tashigu waa in kaa maqane Wixi dana Abwaankaa gartee inammo waa mooge Inaan anigu idin waaniyaa waa ammuur xaq ahe Ardayey aqoonsada cilmiga aafo waa jahale Ijtihaada adinkaa hor kici aradka Soomaale Akhlaaq xumo iska ogaada waad ku ambanaysaane Ma aflaxo ilmaha caasiyoo edebta diidaaye Haddii aadan akrimin macallinadu kuuma uursame’e Waa niman ammaanloo xumaan laga ilaashaaye Ixtiraam la’an lagama helo aayo iyo khayre Waa kuu ilays meel mugdiya aad ku aragtaaye Waa kuu afkood ku hadashiyo odhaahda liisaane Waa ubaxa kii korinayoo aaminka ahaaye Waa amalka nolashaa dambood ku istareexdaaye Waa ilo biyalahoo ninkii ooman ka cabbaaye Waa kii ixsaan kuu galoo aadmi kaa dhigaye Waa kii abaal kugu lihiyo lama ilaawaane Waa kii aqoontiyo cilmiga kuugu aabba ahe Sida qamarka oogada jiruu kuu iftimiyaaye Iyagaa abuiuraye sancada lama ogaadeene Ihaanada ma dooniyo waxaan laayiq u ahayne Haddii aad asluub yeelatoo dhawrto amarkiisa Asmac baraha liibaantu waa inaad addeecdaaye

Dulucda

Gabay ku saabsan macallimiinta by Xaaji Aadan Afqallooc

XA

Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →

Gabayo kale — Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)