Samaan laguma doonee xornimo, wa sange u fuule Sallax dakhar leh, Meyd soobiriyo, seedo waran gooya Soofkoo la kala qaado, iyo siigo kor u duusha Haweenkoo gambada saydha, iyo sebi agoomooba Iyo libintu waxay saaran tahay, suluf coladeede Salliga iyo Allahu Akbartay, siri ka buuxadaye Sawaarikhda waxa nooga dhigan, Suurtal IKhlaase Naftuna saacad bay leedahoon, abid la seegayne Siyaadiyo Nuqsaan laguma daro, suu Ilaah yidhiye kuwo saymihii nabad galaa, seexday oo go’a e Saxarba waa dilaa niman wakhtiga, sed ugu laabnayne Geesiga senaad weyn leh, iyo fulaha seeraara Geerida u siman Sharafna, way kala Sarreeyaane Safka ninka ka baqa ee warmaha sugi aqoon waaya Saldhigiisu akhirana waa, sakhara nareede gobonimo sun baa kaa xigtoo, laysma siin karo’e Wa Sarac ku baxa dhiig ragoo, lagu Sadqeeyaaye Sarakaca, Kufrigu wa Sasabo, suu na leeyahaye.
Dulucda
Gabay uu Xaaji Aadan Afqallooc ku qoray inaan gobannimada cidla laga helin ee ay dirir iyo dhiig loo daadiyo ku timaaddo
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →