Calanyahow walhanayaa adaan kuu warramayaaye Mid wasaaraddiisii gabtoo weeran baad tahay Laguu waa’ wakiil sida Jamaal waabsha gaalada e’ Wallaahiye anigu kuuma ogi wiilal kuu maqane Waddankaad ku dheeraan lahayd waa iibsadaye Raggii adiga waax kugu lahaa waa la weecsadaye Wasiirkii baxsani maalintuu Waashitoon ka hadlaayey Suxufigu waraaqduu qoroo weedha fidinaayey Warkii dunida lagu faafshey waad wada maqleyseene NFD wareeggiidii hore waa horuu dhacaye Wiglada iyo heesaha markii lagugu waalaayey Heestay wilaanwilinayeen wey waddacayeene Goortii walaal garab galiyo wehelba loo waayey Haadkiyo waraabuhu ka dhereg walaqtankoodiiye Waxba kama if joogaan kuwii galeyey Waajeere
Dulucda
Gabay siyaasadeed oo Xaaji Aadan Afqallooc uu ku qoray xaaladdii siyaasadeed ee Soomaaliya
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →