Gabay-yahaw i maqal; Madax-yahaw rimmani Jiiftada madiix; Masafooy gadood; Maax-yahay ha gudhin. Inta uu mudduci Madal-weyne yimi, Wax kastuu marsado Marlay kiiska qabo; Oo maddaacalii Maanshaa allee, Garta madax ka yahay Ka markhaati yahay Sharcigana matalo, Madfac-yahaw ha damin; Mujrim-yahaw ha ladin; Maskax-yahay godlani Maansada ha dayn. Qalin-yahaw mindiyo Ii noqo maddane; Ku marriimo dhiig; Kuna maydho ciin. Khadkan hoo murka ah; Kii macallinka ah Ee midab-caska ah. Ku dhig heestan milil; Maaleey qadhaadh Dacar lagu margado. Maarrahaan sitiyo Kalaashkoofka mudan, Midig aad tartide “Madad” baan ku idhi. Maska ubadka jaray Dhiiggana ku mamay Ila moora-duug. Murti iyo higgaad Maxlal aan ku dhalan, Ninna macasha qaban Waa meeqa odhan, Ku macsuun tix aan Maamuus ku ladhay, Maandheela iyo Muudaaga xumi Dad wuxuu makalay; Ama reer muskood Kaga dhigay maxbuus. Afartaa miscirir Mus-duleed u daa; Mid kaleeto waa “Maqaleey war-laay Ma laguu warramay?” Waxaan ahay madluun Godobtiisa maqan, U maleegan oo “Maya” yidhi dulliga Waan miigganahay; Nin mannaagayoo Macaluul darteed Milgo-beelayoo, Maalkiisa dhacan Marti inu ku yahay La marsiinayiyo, Mana ihi miskiin Ninna muuno iyo Naxariis ka mudan. Nacas muruq is-biday Markuu dhabanka bidix Farba meel ku dhigo, Sidii Nabi Masiix Dhanka midig u dhiib, Mawd baan ka xigay. Ninka midho-yariyo Madi garab lahayn Ii malaynayiyo, Muska tiidsanee Igu meersanee Madaw iyo cadba leh, Een mawqifkiyo Mitidkaanu nahay Ku midaysan nahay, Kala maan ahaa. Uurkayga madhan Muruqyada i fagan, Murugada naftiyo Dabarkaygu maran, Mucsurkaan qabaa, Waa miino iyo Meleg aasanoo, Mar inay qarxaan Ku muddaysanoo, Wixii lay marshiyo Waxan maaganahay Kala maan ahaa. Maanshee la yidhi Xaaqinkaa murxee Dhul madhaa ma jiro. Miciyihi darraa Ee igu mudnaa, Mariidkiyo suntii Maaradoodi helay. Haddaan maahsanaa Miyir-doorsanaa, Miiraabay oo Mugga waan il-baxay. Majaraan hayaa Duul hore u maray Ay mahadiyeen. Afartaa mullaax Uga maydhax-diir, Mid kaleeto waa Hadal waa murtiye Maqal Abu-hadroow. Tixdu waa mag-dheba; Nin kastoo mitida Oo madiidin neceb, Waa madhax u yaal. Waa muuno iyo Taallo aan u muday, Maandheela iyo Cidda uu matalo; Magli baan ku qoray. Adna Maxamadoow Maansadu nin geya Kama maarantee, Mayalkeeda qabo. Gumaystaha ku maag. Madaxoo la rogo Iyo midab-takoor, Inaynaan mareeg Marna qaadanayn, Ninka mooggan iyo Macal-cune dhacsii. Miliqsade ka nixi. Hal-muceedyadii Mari aad tiqiin; Oo mahadho iyo Maahmaah ka reeb. Kana marag ahaw Rag hadday murmaan, Mabda’eenu waa Isagoon mugdiyo Madmadoow ku jirin, Maantiyo berriba Malafsade ha dhaco; Xalaal-maal ha jiro; Dadku waa masee Ha mudh-baxo cadligu
Dulucda
Gabay uu Gaariye ku qoray Madaxweyne Nelson Mandela iyo xorriyadda
Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →