Gabay · Sare

Eed Hooyo Laga Galay

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Tiriyey: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ·

Ubucdayda wadhaneey, adhaxdayda liicdaay, arinkayga laalmow, taladaan ilduufaay. Axdigaan rumaystiyo ma arraday jacaylkii? ma engegay darkiisii? ma afbeelay xiisii? ma ajowday laagtii? ma abaaday geedkaan ubaxiisa guran laa?

Afar qaadka socodkiyo ma eersaday wareeggii. Orgigii la naaxshee adhi raacdo dhaqatee ku asqaysay heestee naxariis u jeedo leh aaminee run moodee dharaartii la gawracay is ogaaday baan ahay.

Umal yuururaan ahay. Cudur igu unkamay baa iniintiisii biqishoo, ayax berri i soo maray eel uu ka tegay baa uurkayga jiifoo, aramaa i hurudoo, anigoo arkayaan axankayga daaqoo, macaan jeceshii oon sun ah loo ursiiyey malabkee ku idlaatay baan ahay.

Iintii dadkaan ahay. caku inan rageedow waxa igadh ka beermaa aarankiisa weeyee ooryihiinii kici laa aarankaad ku dubateen. Urugadan i haysiyo agoonkaa sedkii go’ay aanadiinna weeyoo uurkaygu waa godob eed hooyo laga galay.

Wayl yahay baxsane bixisadu wadaa bi’i waa warlaay Adoon laacdan baran oon weli bislaan ha baraarshishiyin. Is banbaani oo ha ku ababin belo. Laasbiira iyo biyihii ajo ah kuma ba’o haraad. Dawac baadi helay ma badbaadiyee balan qaad af ka ah ha u beer nuglaan. Bilicdaadan ugub dhayladaadan bilan bahal qaba hamuun ha u soo bandhigin.

Bi’i waa warlaay maxaa bilis haween oo baar fidhnayd been lagu khatalay. Maxaa bocor ildaran, maxaa baylah wadhan haad boobay oo la bud dhigay hortaa. Maxaa baydi shilis burcad iyo labeen la basaasay ciil. Maxaa gabadh birlab ah oo beegsi iyo baxsan dhali lahayd baydali makalay.

Bi’i waa warlaay aniguba basraay berrigaan yaraa waan boodi jiray oon badhi caddaa. Bartaad taal haddeer annigaa ku ba’ay. Baaxaa degiyo beer laxowsigii jeer aan ku baxay waan beraad la’aa.

Ninkan kuu boqrani waa xila bilaal. Anigoo bed qaba waa bukaan i helay. Dhunkashada bishimihii i beleeyey buu adna kugu beweray. Wuxuu kuu burqaday beentiyo warkuu igu badowsan jirey.

Bi’i waa warlaay boggaan eeday buu barko kugu yidhaa. bi’i waa warlaay baantaydan hoo waad baahan tahay bahal looma cuno. Bur ha daaqin sun ah.

Samow wa alla samow waa, samow iyo samow waa Samow wiil gaabsiyow waa Samow guur baaqdayow waa Samow geesi ciilanow waa Habeen god la seexdayoow waa wixii iga gaadhayow waa Ma gocor baa aabahaaya? ma gacalkaagaa ku dayrshey? ma garab kaagan rag joogin? maxaad ku gunaanad seegtay? Martiyi waa goorxun socode waxaad orod soo guclayso waxaad soo maalin gaasho ma giriyaad baad is keentay? Guhaadow aynigaaga garnayl baa loo ridaaye adoon weli lagu gardaadin maxaa fiintii gadoodshey? maxaa kalgacaylkii maydhay? maxaa gabawerey adoogay? maxaa hooyaday gulaalay? geyaanku muxuu ka fiigay? Hoheey caku guuldaraanta!

Guhaadow wiilkayow waa, kuwii gaasiray codkaaga kuwii annigana i gooyay kuwii gocashada abuuray kolkii garta loo xilsaaray Arbuhu gofanihii ku yiilay ma guudkeenuu ka raadshey!

Fuluhu weligii ha goojo wuxuu galabsaday ha diido haduu raad gado yidhaahdo halkuu gelayaa adduuunka ma hoos kiisaa ka gaabin? Wax saan gabanyohow ku leeyahay wuxuu dadku kaaga giigay hadaan guntii soo ogaadey gantaal baad tahay bagooda gunaad kaga yaal damqaaya Hoheey caku guul daraanta!

hadday garashadii sabooshay hadduu gamashiyey wanaagii haddii gees lay faquuqay gefkii loo wada badheedhay haddii gooni laygu qoolay garsoore yaqaan saboolka racfaan baan goobayaaye halkaa geedigu ha joogo.

Dulucda

Gabay uu Gaariye ku qoray 1978 gabadh yar oo sabool ah oo lagu dhagray, isagoo ka hadlaya jacaylka been abuurka ah iyo cawaaqibta murugada leh

MX

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →