Gabay · Sare

Garaad-daran

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Tiriyey: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ·

Garaad-daran naftaydaay! Geeri iyo nololeey! Guluf lagu negaadaay! Gabno laga dhergaayeey! Gabbal dumay habeenoo Hadh gadiidan yahayeey! Lammaan aan is-geyinoo Guri qudh ah u hooydaay! Googgaada xaajada Gaaxdeedu waxay tahay, Maan garan xogtaadee, Maxaad uga gol leedahay? Ma wax gaar ah baad too Goonidiisa jira oo Garab aan u baahnayn? Mise gobol dad-weynaha Ka go’aynnin baad tahay? Maadigaa ah Gaarriye? Mise laba gudboonoo Is-geleynin baad tiin? Gurrac-loo-abuuryeey, Bal geddaada ii sheeg. Garaad-daran naftaydaay! Gurey iyo cadceedaha Isku gedo miyaad tiin? Gacal miyaad wadaagtaan? Bal Giriig warkiisiyo Guutadii Fircoon iyo Waxa boqor la gawracay, Ama aad gariir iyo Guri ba’ay u taagnayd, Googoos u mariyoo; Giddi waaxyahaygiyo U galaydh xubnaha oo; Midba gees u taagoo Ka gur sheekadoodoo; Malaayiin gu’ oo tegey Ku dheh gebaggebeeyoo; Geeddigoodi dheeraa Mid kastaa guduudiga, Halkay galabba joogtiyo Goorteey kulmeenee Gaarriye sameeyeen, Godolkeeda ii mari

Dulucda

Gabay uu Gaariye ku qoray garaad-darrada nafta iyo aqoonta

MX

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →