Aadmiyahaw hallaysani! Ambadyahaw wareersani! Maqal ereyadaydoo! Buuraha ag joogsoo Amakaag daraaddii, Ilmo gabax ka siiyoo! Cirka sare u eegoo Xiddiggaha astaysoo Arag felegga meeroo! Onkodkiyo hillaaciyo Ufadaa dhacaysiyo Uurada waraysoo. Ololkeeda Gooraan Aammus oo dhegeysoo Shimbiraha la ooyoo. Badda “aw”-da haysiyo Waxa uurka ugu jira Axadhoo garwaaqsoo. Dhulka aad u baadhoo, Webiyada ordaayiyo Daruuraha indheeyoo. Oogada jalleecoo Ciirada aroortiyo Dabaylaha af gara oo. Uduggooda kaymaha Urso oo jeclaysoo Ku ilwaadso dooggoo. U abtiri naflaydoo Ayaamaha tilmaansoo Aabiga bilaashka ah, Waa inaad illowdaa! Afaggaalayaashiyo Cadceeddeenna oloshiyo Awrka samada yaa yidhi, Aadmigay u shidanyiin? Ifkoon cidi ku uunnayn, Miyaan Dirirku oognayn? Ururradu miyaanay Kaa ayni weynayn? Ilayskooda goormaa Loo daaray awgaa? Hadmaa felegga oosha ah Amar buuxa lagu yidhi Ku ekaw dadkoo qudha? Haddaad eegga madhataan, Miyaanuu iftiimayn, Sidiisaa ahaanayn? Aadmiyahaw hallaysani! Amarkaagu waa been! Waxaad uur wadaagtaan Ugaadhaa wareegtoo Ugbaadkiyo caleentaad Uur wada gasheenoo. Uumiyaha dhammaantii Ilma-adeer gudboon iyo Isir baad tihiinoo; Noolahaad arkaysaa Waa ul iyo diirkeed; Waa sida indhaha oo Kolkay midi ilmaysaa Ta kaleeto ooydaa; Looma uumin keligaa Inay kuu adeegaan. Ammuuraha badh baa sir ah; Sida xaal u eg yahay Ujeeddadu ka xeeldheer.
Dulucda
Gabay ku saabsan aadmiga, dabeecaddiisa iyo iftiinka
Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →