Gabay · Sare

Carshigii Jamaalka

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Tiriyey: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ·

Ma cawaa ma caanaa Ma ciirtaa ma calaf baa Ma cuq baa ma cigashaa Ma cisaa ma culuq baa Ma daruur gu’ curatoo Cir caddaad an noqon baa Ma cigaalka feleggiyo Cirjiidkii mariiqaa Ma magool cusayb baa Ma cadceed arooryoo Falaadhaha casuustaleh Ku cabsiisay dheeggoo Ceeryaantii didisaa Ma xareed is celisaa Ma habeen cadda ah oo Balliyada cigaagani Casuumeen xiddigahoo Sida camal muraayad ah Cirka dayaxi kaa jiray Dhulka kaa cawaray baa Cosob rayska xaadhiyo Ma gargoorkii ceegoo Calyayada barkaday baa Alla sama cuddoonaa Udugaa carfoonaa Samsam caynka loo dhigay Citibaaro badanaa Calle ma aha liiti ah Habac maaha ceebaleh Qallef maaha camal ba’an Coon maaha loo hoyan Baali maaha caaryaleh Cirir maaha toomama Cawro maaha socod badan Cayil maaha laga dido Caatana u may bixin Cid kastaba u geeyoo Meel laga canaantiyo Cillad loo ma heli karo Cabdiyow tallaabada Cutiyaan idhaahdaa Timahay caweyskii Cirifyada u saartee Ku cayaara leydhee Haldhaayaduna cawryaan Indhaheeda cawsha ah Mus cideedka midabka ah Sanqadhoodhka caynaba Timaheeda culayga ah Ciridkeeda dhuxusha ah Ilkahaa caddaanka ah Camankeeda xaaddaleh Dhexda caara dhuubta ah Cududaha garaaraha Kubabkay u culustahay Cambarshaha sudhkeeday Firirsheen cabbaaryadu Waa Xuur al-Caynoo Kolba anigu tin iyo cidhib Cad aan quudho kuma arag Cagfudayd u may dhalan Cadho lagu ma sheegeyn Waa canaadi lama odhan Carrabkeedu beentiyo Ma yaqaano caydaba Wax ka cawda maan maqal Ma cod dheera waa gabadh Xishood baa u caado ah Cimri waa u gaban weli Caqli waa u waayeel Cidhib baanay leedahay Aniguna ma caasiyo Cadraddii ammaan lehe Carshigii jamaalkaan U caleemo saaraye Adna cadar Hadraawow Hambalyada u soo curi

Dulucda

Gabay ku saabsan quruxda naag iyo ammaanteeda

MX

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →