Gabay · Sare

Madax Goodir

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Tiriyey: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ·

Mar aan gaban ahaa beri Galab aan adoogay Geed uu fadhiyi jirey Sheeko kooban kaga guray, Wuxuu yidhi: “guyaal hore Boqor geesalaa jirey Oo goostay weligii Inaan iinta lagu garan. Fule waa geddiisoo Wuxuu goorba hubiyoo Gedfo oo cimaamado, Nin gaaraa sirtii helay Godob buuse taransaday Garashadu u sabab tahay Qof gafaana laga dhigay, Hadduu gaabsan waayana Inuu gowrac jiro maqal. Hadba giirka loo kici Goldalooladuu helay Inay gudubto loo diid. Isna waa gartiisee Liqi waa gasiinkii War guntamay la foolqaad Hadba gaadhka meel dhigay Dadka uurka googo’ay Isna garay ka wada qari, Kuna oloshey gogoshii.” “Goobyaalka layliga Kolkay gama’ is waayeen Gelin dhexe rugtiisiyo Gurigii ka soo bood, Gudcur beegsey duurkiyo Gelliyada dugaagga leh Mugdigii galaydhkiyo Garanuugta kala didi, Gocoshiyo xasuus iyo Kalgacayl sabooleed Gaashaan ka sii dhigay.” “Wuxuu gebidhacleeyaba Kolkii waagu galac yidhi Geed hoostii faadhfaadh Sidii bahal god dheer qoday, Dabadeed gafuurkiyo Gadhka ciidda saaryoo La faq goofkii keligii Dulucdiina gaadhsii, ‘Inuu boqorka Goojaa Madax goodir leeyahay’.” “Hadda iga ma goyside Waxaad iga guraysaa, Sheeko beri la ii galay. Geeskii warkiisii Kii cabudhay kolkii ganay Garbihiisa laga duul Gebigii fudayd noqoy Goobtiina aasyoo Ka hurgufay go’iisii Galbay oo ka sii socoy.” “Ka gadaalna meeshii Laye ‘goortii roob helay, Geesaa ka soo baxay.’”

Dulucda

Gabay sheeko ah oo Gaariye ku qoray boqor geesinimo leh

MX

Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →