Gabay Dhexdhexaad

Jahaad Taladii

Tiriyey: Ismaaciil Mire Cilmi

Annagoo Taleex naal jahaad taladi soo qaadnay Toddobaatan boqol oo Darwiish toogatay neefdoora Sayidkeennu tii uu na yiri torog ku heensaynay Shekadaa intuu noo tebbeday noogu tacab qeybi Ilaahay ha tabantaabiyee ducada noo tuumi Wareegada rag baa waxay tewali yaan wax kaa tegine Annana towlka qaalmaha nin iyo tulud u soo saarray Sibraar caana geel loo tabcaday talax ku sii maallay Tiirkii Rasuulkiyo sharciga toog ku wada fuullay Galabtaa taxaabiyo kadlaba toobiyaha raacnay Habeenkii fardaha waw turaye taag ku sii mirannay Tun biciida lagu qoofalyow xamashka loo taabey Talaaduhu markii ay dheceen talalay oo reemay Tixda gabay markii aan akhriyey toose niman jiifay Tiraabkaygu meeshuu ka baxay la isku soo tuumi Salaaddii markii aan tukaday yaarka kaga taagnay Togga Ulasameed dooyadii horay u tuuryeynay Intay timacad noo soo arkeen marada noo taage Annaguna jahaad kama tagnee tiimbad ugu roorray Sengeyaal tabaadiyo gool weerarka u tooxnay Tiiraanyo ololkii dhulkii Taani naga qaadday Tallaala’aydii qaylada Berbera tahan la weydaari Taambuuglayaashiyo kuway tebeysey soo gaare Teysaha gugii oo hanqaray tinigtii yeedhay Talaxumada awrkuu u xiray baqe taraarsiinnay Girligaanka meeshuu turqaday lagu tunsii geela Tirsan maayo uunkii tirmiyo tulushle Iiddoore Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay galabtaase Maadhiin turaabkaa ka badan tuurla kaga qaadnay Tukihii intaan niman u waray tobanle soo qaatay Gebagaba u tooxnoo kufriga maarre kaga teednay Tafwareeman maynine intaan tubay ku aynshaaday Galabtaa carraabaada ku timi turugga Buuhoodle Habeenkaa ninkii tabar lahaa tarantarree gaarka Habeen kalena tuuraha Cadduur toolin kaga maallay Habeen kale Tagaabeeye iyo tu’innay Haylaawe Habeen kale Dariiqada tubnoo toosan lagu qaybsay Tobon gool tabaadiga dhigiyo tobon unuun gooyo Iyo toban tiftii hore rimoo taani lagu qooqshay Iyo toban abeer tawllanoo tixinka qaalmoodo Iyo toban irmaanoo aniga la igu taageeray Iyo taan eryoon jiray markay tubatahee joogto Been laguma tookhiyo afaan taabud noqonayne Intaa xarunta waa tubay xaq waa lagu tanaadaaye Warka Tuurre waa laga hayaa tan iyo Iimeeye Waa Xamar tarrara oo misana taab ku sii daraye Taltallaabsigiyo kabtiga tabo kolow dheere Anigana tis bay galay intaan col ugu taagnaaye Tuludna uma godlaan reeruhu tawl ka saanyade Tafantoofka gaalkuu u dilay waa tixgaliyaaye Suldaan Ruunna loo tebi inuu tuuladii gubaye Tima soohanloow Eebbahay kuma tabaaleeyo.

Dulucda

Jahaad Taladii by Ismaaciil Mire Cilmi