Gabay · Sare

Galow Kiciye

Ismaaciil Mire Cilmi

Tiriyey: Ismaaciil Mire Cilmi ·

Anagu gaaniyow gacalka dhacan, waaka gubanaaye Gankaa naga xanuunsada waxii, gaadha Reer Hagare’e Gadhka iyo wadnaha buu nagaga yaal, gabiga Daaroode’e Uma gabayno maantuu Islaan, gaalku weeraro e Adigana ninkii geed mudaa, waa gu’ kuu da’aye Galow-kiciye maantuu lafaha, ina garaacaayey Gulgulaha hinjiinka ah markuu, kaga gig siinaayey Gabla yey lahaayeen markuu, inagu guubaabshay Gamaasayrankeedii markuu, gooni cararaayey Ee maraga goobtii ka dhacay, gerab ekaanaayey Galamada iyo eeriga markii, lagu gujeenaayey Ee goodirkii dhalay ilmada, gabax ka siinaayey Ma geyo ee hilbowluhu markuu, gacan togleynaayey Ee lagu gadaanaa marbaan, go’ ilahaa ciile Ninse god dheer walaalkiis u qoday, gelina mooyaane Warsow adiga kugu soo gotaa, gamas colaadeedku

Dulucda

A gabay by Ismaaciil Mire mourning the destruction of homes, the loss of livestock and children, and the suffering of the Darwiish community in wartime.

IM

Ismaaciil Mire Cilmi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →