Axmedow nin gidira oo da’ iyo gabow la ciiraaya Oo galabtii Beerdhiga dhacdiyo Garabcad soo Joogey Aan gedo yarayn baan ahee gabay aan kuu sheego Waayeel guddoonshiyo tashiga odayo loo geeyo Iyo inuu gungumihii ka lumay Ina Garaad Faarax Aan guurti noolayn inaan garanayaan sheegay! Inaan Laasadaar gacalka iyo xididka gaadhaynin Oo nimanka reer Gorod Xirsiyo Calac ku oomaayo Uu gabi qaraabada inaan garanayaan sheegay Soddogii gurracan maalin bay garu ku ciirtaye Markii Faarax geel iyo dab iyo guuya laga buuxshay Hadduu kebedda gaalleefta daray dabaryaruu gaatey Uu gees u riday buulku waa ilaba gaabnaaye Inay labo galaan quban inaan garanayaan sheegay Labo guulka Odayood inaan garo ku naaxaynin Oo aan gadhoodh laga dhamayn iyo ganuun xoor leh Ay guriga “wii” layn inaan garanayaan sheegay Gabdhahooda reer hebel haddaan guurka laga deynin Oo aan gammaankiyo dabkiyo geela laga seerin Aan sumad rag kaga gaariyo gololo loo yeelin Geyaan xumo inay dhici inaan garanayaan sheegay! Inaan reer Gumaarholoc raggii go’ay u aaraynin Oo ayan godobtooda maqan goosan kari haynin Oo aanay garanayn lafaha guban xalaaleeya Ay goojo dheer wadhi inaan garanayaan sheegay! Inaad Gabay-aweytow lafaha gebi ka xooreyso Oo aad galbeed tegi adaan guuyo badan haysan Oo aad go’iyo u xidhan rodol la soo gooyey Aad gacaliyow cuni callaal lagugu gaadaayo Oo aad dhalashadaadii ku gadan gelin waxaad quudan Oo lagu geyeysiin wixii Halacba loo geystey Aad ceeb la goloslayn inaan garanayaan sheegay! Ninka gaalo caabuday rabbina gooyey xadhigiisa Beryo wuxuu gabraartaba hadduu melegu soo gaadho Jahannaba inuu geli Kitaab garanayaan sheegay!
Dulucda
A gabay by Ismaaciil Mire weaving a cautionary folk tale about greed, marriage, and divine judgment, warning listeners to heed wisdom and avoid worldly ruin.
Ismaaciil Mire Cilmi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →