Gabay Bilaaw

Gelin Dhexe

Tiriyey: Ismaaciil Mire Cilmi

Waxaa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaaygiisii Xaaji Maxamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oowaxay ku tiri: “Wiilashaydii adaa laayay, awrtaan ku guuri jirey iyo arigeeygiinaidinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaarayna idinkaa ii geystay”. Ismaaciil ayaahadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuusan wixii Daraawiish iyo dad kale kala gaaray isagu uusan u qoolmi karin. Dabadeed, isagoo wixii dhacay lama wada sheegi karee, wax ka taabanaya, wadaygiisiina ku halqabsaday wuxuu yiri:

Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye Adigay gablay tiri markaad gaaska wadateene Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile Waxay tiri aday guri dhigoo ma lihi gadiide Waxay tiri adaa gelengal tubay garayartaydiiye Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhu dhigaye Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado Gumburo iyo Cagaarweyne iyo geedkii Daratoole Goobtii Jidbaalle iyo Xargaga guuldarradii joogtay Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay Meydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday Iiddoor cayuun godan wixii gelin la weydaarshay Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay Gob ninkii ahaan jiray wuxuu gibil madoobaadey Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaarey Kaligey ma wada geysannine la isku geeryooye Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye Waxbana hay gurreynine denbaad galabsanaysaaye Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye Gambana kaama furan baan u fili gulufaydeyiiye Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

Dulucda

Gelin Dhexe by Ismaaciil Mire Cilmi