Dooxooyin idil bay xushaa digo hulaaqdaaye Dal dhan buu gubaa qaraf yaroo duur la geliyaaye Dalkoo nabad ah baad uumiyaha belo la doontaaye Allaylehe denbaab lama hadlee kulama doonayne Duunkaaga kuma suubbanayn diradiraaluhuye Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne Dabaylaha xagaagii dhiciyo dowlahaa sidaye Inkastoo dalkii kala fog yahay hadalku soo duulye Maandhow Daryarey noogu timid dacawigaagiiye Dambaaburada aad ololisiyo dirirta guusheeda Dabkaad hurisay Cali Aadanow dogobbadaad oogtay
Dulucda
Gabaygii Ismaaciil Mire ee ugu horreeyay silsiladdii Guba. Wuxuu ku qeexayaa gubashada dalka iyo dhibaatooyinka soo food saaray dadka Soomaaliyeed.
IM
Ismaaciil Mire Cilmi
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Ismaaciil Mire Cilmi