Gabay · Sare

Iibsi Lacageed

Ismaaciil Mire Cilmi

Tiriyey: Ismaaciil Mire Cilmi ·

Nimanyahow awow iyo awow iyo abkaan sheegto Iyo aniga abidkay ma arag iibsi lacageede.

Adduun buu lahaan jirey raaggaan ku isirraa waaye Ololahaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane.

Mar uun baan amaamuday waxaan aabahay faline; Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye.

Albaabkii Burcaan imid anoo aaladii sida’e Amminkiiba la yimid sidii eegta lay yahaye. Ooggii horey nagu kaceen adhi dillaalkiiye Dad iimaanka laga qaaday baa noo aloogsadaye.

Amakaagay goortay wankii adhaxda tuujeene Intaa weeye iyo ma’ahadii la is ilaaqaayey Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye.

Afka reer magaaluhu yaqaan waan ka oodnahaye Ii-maroojihii bay khatalay kii aan aaminaye.

Afar bawlad laga gooyey bay igu aluubeene Anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye.

Kuwo boqonta ood laga sudhay ila ahaayeene Usha jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene. Ashcaartaba rag baa iga badshee idinku weydiiya.

Dulucda

Gabay uu Ismaaciil Mire kaga hadlayo iibsi lacageed.

IM

Ismaaciil Mire Cilmi

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →