Weeyaalayeey gabayga waa lagu wanaajaaye Anna waayirkiisaan ahee waano iga qaata Waageerka caadku waa indhaha walalac beeneede
Waxku-aragu waa wiilka oon waayo kaa heline Addinkoy wax gaaadhaanna waa loo wakinayaaye Weheluhu baddooy kala tagaan wiiqan ubadkiiye
Walaxdii dhinaataaba way kaa weyrixisaaye Iyadana wadeecada aduun wiil kalaw baxaye Wadaamii qalbiga waxa la tegey wililigteediye
Intay waaninaysan dhulbaan weel ka gurayaaye Waa lay warramayaa dadbaan weeye leeyahaye Waxakani wareer iyo ka badan caashaq waaxidahe
Walaalooyinoow waxan ka biqi inan ku waashaaye Markan inan wareegaan damcoo webiga jiidhaaye Wiirada ragiyo baan ka tegi wadhida naagaaye
Wadankeeda Soomaali waan sii wadacayaaye Wuxu Eebahay ii waciyo waadanbe an dhawro
Dulucda
Gabay ka mid ah kuwii u danbeeyey ee Cilmi Boodhari u tirshey Hodan, isagoo dadka sii waddacaya macasalaamaynayo
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →