Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene Soomaalida caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay
Dulucda
Gabay jacayl ah oo Cilmi Boodhari u tiriyey Hodan Cabdi, isagoo ka hadlaya caashaqa haween iyo sida uu u adag yahay
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →