Gabay · Dhexdhexaad

Allahayow Afkaygiyo

Cilmi Boodhari

Tiriyey: Cilmi Boodhari ·

Marka horeba anigaa sahwiyey ina adeeroowe Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye

Ammaantii ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey Qaar hooyaday u Edo tahoo aad baa jira’e Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday

Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene aagamo haddii loogu shubo ma engegnaateene Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye

Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale’e

Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye

Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane Ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle

Dulucda

Gabay jacayl ah oo uu Cilmi Boodhari ka hadlayo cidhiidhiga uu la kulmo jacaylka Hodan awgiis

CB

Cilmi Boodhari

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →