Inaadeer hagaagtaye haddaad, hilinka sii qaadid Hataq iyo Iillaah kuguma rido, hogobbadii shiikhe Mid hubsiimo badan baad tahoo, halo la siiyaaye Adigaan halyeey kuu gartiyo, huruntii Daa’uude
Hillaac baa Berbera iiga baxay, Hodan agteediiye Hurdadana habeenkii maledo, had iyo waagiiye
Sida hoorimaad baa qalbigu, ii hanqanayaaye Waa lay horjoogaa sidii, horudhacdii geele Inaan Haybsiged dhigay hadday, Hodan i moodeyso Gabdho kale oo aan haasaawiyaa, wayga haniyaade Maxaan kula hagaagaa yartu way hanweyn tahaye
Dulucda
Gabay jacayl ah oo Cilmi Boodhari Burco joogay uu farriin ahaan ugu dhiibay saaxiibkiis oo Hodan u gudbin
CB
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Cilmi Boodhari