Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Sidii aad go’aygii tahiyo macawistaan goostay Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay? Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye Iyadoo gadiid u eg markaan Gu’ga kaxaynayo Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye
Dulucda
Gabay jacayl ah oo uu Cilmi Boodhari u tiriyey Hodan Cabdaay
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →