Gabay · Sare

Saqdii Dhexe

Cilmi Boodhari

Tiriyey: Cilmi Boodhari ·

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde Waa taan ka saahiday tan iyo sebenkii dayrayde Xaluun baa saqdii dhexe wax i salaameene Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayey Ilka sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda Sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah Sunnayaal madoobay qalbigu saakin kaa noqoye Soomaali iyo Carab iyo Hindiga sooye laga keenay Inta samada hoos joogta waad ugu sarraysaaye Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye!

Gabay – Cilmi Boodhari: Hodan

Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday (Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Dulucda

Cilmi Boodhari oo ku tilmaamaya quruxda gabar uu jecel yahay, isagoo adeegsanaya sawirro qurxoon oo muujinaya tayadeeda.

CB

Cilmi Boodhari

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →