Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane
Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina
Dulucda
Gabay uu Cilmi Boodhari ka tiriyey markay hablo ku daydeen inay Hodan ka gun gaadhaan, isagoo ku jawaabay in qalbigiisu Hodan uun uu kaga jiro
CB
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →
Gabayo kale — Cilmi Boodhari