Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine Hadanse madal ka sheegaayo oon walle ku maansoodo Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye
Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto
Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu Mariid baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye
Mirirbaa la gooyaa cishqaan cidina maareyne Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye
Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey
Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado
Dulucda
Gabay murugo ah oo uu Cilmi Boodhari ka hadlayo dhibaatooyinka jacaylka iyo caqabadaha la kulma gacaliyaha
Cilmi Boodhari
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →