Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray’e Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro’e Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
Nin da’dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaanee Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye
Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde Sidii bay duleedada dharli’i ugu dabjeexaane Sidii baa du’dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha’e Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode
Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye Danbi ku hadli maayo’e ma’arag dawladdaan rabaye Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e Meeshaan dad aan ururshiyo darar ka eegaayey Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.
Dulucda
Xiddigtii Dagaari by Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim, 1964
Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →