Ha go’doonto Gudabiirsidii Ganafka jeexnayde Ha la guurto gaajiyo baryiyo gelelefkeediiye Dameerkii Gafuurrada caddaa Geela yuu didinne
Meeshay gabbood moodayaan haw gurguriyeene Goonyaha Ilaahay halkay garan ha aadeene Gob baa lala dersaa waa wixii gaday abaalkiiye
Gallad kagama helin reer Xareed gacan ku hayntiiye Gabdhii loo dhisiyo may xurmayn guurki reeraha’e Geyiga reer Isaaq uguma hadhin Gob ay midhaystaane
Ciisuhu Gunnuu siin jiree ha iska gooyeene Amxaarada inay soo galaan waa ka garanuuge Garaad-xumadu waa waxay cidlada ula gandoodaane
Gogti iyo Shar-laga-naadi bay gebi dhacaayaane Waa waxay la goobyaalayaan Goraya-Cawlaaye Waa loo gartee hays tubeen goobta ciilka lehe
Marreexaan Gun bays urursatee gacal ha moodeene Iyaga iyo Gabooyahaba waa galabsigoodiiye Guryaha ay Mafiiqda u siteen yaanay soo geline
Geestay xigeen Laydh san baa iiga soo geliye Guu-gaa’da haygala tageen garacdi shaydaane
Dulucda
Gabay uu Qaasim kula hadlayo Samarroonka oo uu ku tilmaamayey inay la safteen dad-la-moodkii
Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →