In dagaal dhammaadaa qofkii doqoni moodaaye Nin da’weyni waa garan qabyada diillimaa hadhaye Hadduunbaa digtoonoow horliyo hawl la dawdabaye
Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe
Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso
oo nabaddu waa noo dugsiye ay didmada goyso Jeeroo Dastuur lagu dhaqmiyo Dawlad la abuuro Jeeroo dar adag loo xidhoo duunyo ku aroorto
Illaa maaxda loo daadegoo Dawlis lagu dhaansho Jeeroo dalkeennii burburay dibu-habayn gaadho Jeeroo Dariiqyada lafaha daadsan laga xaadho
Jeeroo Ducaa lagu hodmaa diinta lagu dhaato Jeeroo Marraha lagu dejiyo dararta Yaasiinka Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Denbi iyo fal baa lagu genbiyey daad-mareennada’e Dameeraaba lagu gawriciyo Deero iyo Xuure Dabinnaa ku xidhan Yuusufoow labada daamoode
Jeeroo Habaarrada ku dedan debedda loo saaro Jeeroo doc roon loo xuliyo culimo daaweysa Jeeroo wadaad doobir lihi Duhur ka eedaamo Waa degel Xaslehe meesha yaan laysku dubuq siinne
Afartaa dareershay ee waxaan dibugu luuqeeyey Ka soo doogney diif iyo cadhiyo digasho reeroode Dugsi caydh ah dhawrkii sanee lagu dabayl rooray
Diiftii Ilaah nooga ray dakharadeediiye Waxa Duumadii noo beddelay doogsin caano lehe Dabayl Caafimaad iyo Xorriyad loo durbaan tumaye
Waakaa dadkii soo hormaday doobadka ahaaye Danabbaa u kacay guushu waa lagama daalaane Haddaan loo dagaallamin xorriyad lama dabbaasheene
Daandaansigii Faqash raggii diidey ka adkaaye Nimankii is damalloolin jirey dacar la leefsiiye Derejooyin been ah yaa garbaha loogu daabacaye
Diidiga markii laysla galay Daab ma soo roganne Kuwii Shaarubaha duubi jirey daadshe qalabkiiye Digtii horeba waatay baqaha docaha jiidheene
Odaygii dalqada weyn lahaa derejadii xoorye Daandaan Tumaalkii markii laysu daadsadaye Wax la yidhi ma daaficine wuu sii dabayshadaye
Laamuu ka degey baa la yidhi Doon intuu koray’e Isagiyo Dafleba meesha way dacal banneeyeene Dabatadiyo ways kaashadeen nimanki Daaroode
Degdeg bay dhulkii uga baxeen duhur dharaareede Alla doori waa waxan lahayn dir ay ku dhaataane Dad hadday yihiin sida Riyaha looma didiyeene
Dalan-doolki Nayroobi bay dalaq yidhaahdeene Dal la’aani waw kow dhul ay dib ugu laabtaane Debedaha ha meereen illeen diide nabaddiiye
Dulucda
Gabay uu Qaasim tiriyey waagii Afweyne iyo Faqashtii laga eryadey dalka
Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →