Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasidoe Xaggay naga xigeen nacabka way ka xakameeyene Xoog iyo Adduun kalama hadhin xarakadeenniiye
Xidhiidhkaa tolnimadaa lehiyo xeerka Saadadae Xigto niman lahayn cadawgu waa xubin wareemaaye Xamdu mahad Isaaqoo dhanbay xiisa geliyeene
Xiis iyo Jaboutaysku xidhan xeebti dhererayde Xerudhalanku feedha isa saar xawli dhiidhiyaye Xammeetidii dhextiil labada reer xididka loo saarye
Xinjirtii madoobeyd la tuur xadantadeediiye ka guur degalladuu xaadir ku ahaaye Xin-kunoolihii HabarCafaan xuurta la cunsiiye
Samaroon Xantiyo beenta iyo xaasidkii jebiye Hadduunaby xaglaha kula dheceen Xabis kelysnaaye Waatay xumeeyeen dadkay ku xadfanaayeene
Xidid iyo degaan may hanbayn xeerna may dhiganne Xabashidana waatay wax badan ka xajarnaayeene Xuduudaha siday uga gudbaan waa xisaab adage
Xor haddii ad tahay dunida waa la xusladeeyaaye Xigmad li’idu waa waxa ka dhigay xoola baadiyahe Hadday xago bannaan tuban yihiin xuunshanaytiduye
Xirribaha ha duugeen indhihii wada xayuugnaaye Xero maleh Afweyniyo kuway u xusul duubeene Rag kalaa xukuma goboladii Xamarna waa foole Xaggeebay u kici Gedona waa xarun ugaadeene
Dulucda
Gabay uu Qaasim u tiriyey beesha Ciisaha oo gabayo taageero ah u soo diray walaalahooda Isaaq
Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim
Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →