Gabay · Sare

Cirsan-ka-yeedh, 1969

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Tiriyey: Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim ·

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara’e Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo’e Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal’e Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin’e Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Dulucda

Gabay uu Qaasim ku sifaynayo sidii loo dhibsaday maamulkii waagaas jirey isagoo saadaalinaya isbeddel inuu dhici doono

AI

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →