Gabay · Dhexdhexaad

Macan & Qadhaadh

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Tiriyey: Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim ·

Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

Midi waa martida soora iyo maata daadihise Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye

Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye

Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise

Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye

Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye

Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye

Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane Malaa’iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay

Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Dulucda

Gabay uu Qaasim naftiisa ku tilmaamayo

AI

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →