Gabay · Sare

Ina Cigaal

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Tiriyey: Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim ·

Tabtaa ina Cigaalow waddaan tacab qasaaruun dheh Tartan meelna aan gaadhiniyo turuqyo daaluun dheh Tamashlaha aan meel looga dhalan tookh u socodkeeda Toddobaad waxaan gaadhiniyo tuhumo beenaad dheh Dhamaan Ciisa Musaha tadhahay ee taajka wada qaatay Taariikh Isaaq ugu horloo maanta timi uun dheh Toddobadan aad soo dooraten taran hadaad moodey Tukayaal hormuud laga dhigiyo toxoble daayeer dheh

Afartaa tacliintaan bartiyo tix iyo geeraar dheh Tiiqtiiqsi hadal loo yidhoo tudhis la’aaneed dheh Tol-yaraha hubkii dili jiriyo toorri iyo seef dheh Toban guuradaan nabadgelyada taabka ku adkeeyey Aan talada kaa qayb gashey baad tahar i goyseene Habar Yoonistii lagu tuntiyo Ciidagale toos dheh Mar hadday tolniimadii horiyo talawadaag diidey Nin walbaa wuxuu taransadiyo tab iyo xeeshii dheh

Dulucda

Gabay uu Qaasim u tiriyey Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ahaa Prime Minister

AI

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →