Gabay · Sare

Hargeysaay

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Tiriyey: Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim ·

Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye

Halaq iyo abees kuma gam’een hadhacyadaadiiye Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye

Hareertaada lama soo fureeen haaway doobadahe Haweenkiyo caruurtaad lahayd lama halgaadeene Hablahaaga muu guursadeen haybti garanwaaye

Hog dalluuna kama qayliyeen hanadadaadiiye Hanuunshiyo indheergaratadii hode ma dhaafeene Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye

Hoos looma eegeen kuwii hawlkarka ahaaye Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye Maad hoos dhigteen labada sacab hooge baadiyahe

Habro looma doorteen golihii haybadda lahaaye Hiirtaanyo iyo ciil wadnuhu ima hiqleeyeene Haasaawaha iyo sheekadii lama hagoogteene

Ninna hadalka kama dhawrsadeen kuu hagaag bidoe Hootada afaysani boqnaha igama heerteene Dhammaan hooballadi may qaxeen hibadu saarrayde

Hogyaqaanadaadii murtida lama halleyeene Heesaagi lama quudhsadeen hiray cadaawaaye Hayeeshee habeen guulleh baad heli ayaan dhow’e

Had aan sii fogeyn waxad sugtaa heego iyo roobe Hillaac caafimaadbaa ku mari hogol daruureede Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude

Hiddo-dhalad wixii aan ahayn waa lagaa hudine Hor ilaahay waan kaa xorayn hawshan kuu timiye Insha-Allah home nabadgelyaa lagugu soo hoyne

Dulucda

Gabay uu Qaasim kula hadlayo Hargeysa waagii Faqashta

AI

Axmed Ismaaciil Diiriye Qaasim

Eeg taariikhdooda iyo gabayada kale →